Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga Xusay Maalinta Caalamiga ee Qaaxada taas oo Maanta oo kale Sanadka laqabto.
Waxaaa soo agaasimay Xaflada Wasaarada Caafimaadka Waxaana Masuuliyinta ka qeybgalay oo dhaqaatiir u badnaa sheegeen sida loo daaweeyn karo TB-da iyo qaababka kale duwan oo ay ku dhalato.
Agaasimaaha guud ee Wasaarada Caafimaadka ayaa sheegay in Xiligaan ay jiraan Dad badan oo Cudurka BT-da ku dhacay kuwaas oo hadana la xishooda Cudurka isaga oo tilmaamay in aanan Arintaas gabi ahaanba loo baahneyn.
Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka waxaa ay sheegeen in ay jiraan Xarumo badan o Muqdisho ka furan kuwaas oo lagu daaweyo Cudurka Tiibiida.
Halkan ka daawo Sawirada
Leave a Reply