Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Degmada Buur-dhuubo ayaa dharbaaxa kulul u geystay Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab kuwaasoo weerar Naf la caarinimo ah ku soo qaaday Saldhigga Ciidanka Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo.
Guddoomiyaha Degmada Xasan Maxamuud Cali ayaa sheegay inay Alshabaab ka dileen Shan xubnood, tiro intaa ka badanna ay dhaawaceen, iyagoo ka furtay Hub iyo Saanad milatari.
Dagaalka oo intiisa badan ka dhacay Fariisin Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Buurdhuubo ayaa mudo kooban socday, waxana Maamulka ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Al-Shabaab.
Ciidamada Xooga Dalka Soomaliyeed qaybtooda Degmada Buurdhuubo ayaa ahaa ciidan aad u hubaysan waana tan sababtay in kooxda Alshabab ay ku qasaareen dagaalkii ay kusoo qadeen Buurdhuubo.
Hoos kadhagesyo Wareysi uu siiyey Gudoomiyaha Buurdhuubo warbaahinta Qaranka
Leave a Reply