Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageysanyo Guddigi 19-ki bishaan ay u xil sareen xallinta Qilaafka ka dhex taagan Golaha Shacabka Soomaaliya kaa oo ka dhashay Mooshin 14-ki bishaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay ka gudbiyeen Professor Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari.
Senator Axmed Macalin Cumar Axmed Nadiir Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta dhaqanka iyo Arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare ayaa usheegay in maanta ay warbixin ka sugayaan Guddigii ay 19-ki bishan u xil sareen xallinta qilaafka ka dhex jiro Golaha Shacabka.
Lama oga sida ay noqon doonto warbixinta Guddigaas iyo sidoo kale dhinacyada ay la soo kulmeen.
La soco wixii ka soo kordha.
Leave a Reply