Taliyaha cusub ee ciidanka Madaxtooyadda Somaliya Gaashaanle Odowaa Yuusuf Raagge, ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib markii xilkii laga qaaday Taliyihii hore ee ciidamada Madaxtooyadda Somaliya.
Taliyaha cusub ee Ilaalada Madaxtooyada ayaa bedelay taliyihii hore Axmed Maxamed Cali Afcadeey kaas oo lagu eedeeyey in uu u hagaasami waayey amarkii kasoo baxay laamaha amaanka kaas oo ahaa inaan hub lala gali Karin Xarunta Golaha Shacabka Soomaliya.
Leave a Reply