Laki Maxamed Cali waxay ahayd 16 sano jir Gabar ah oo Dunida u cusbayd waxay ahayd Gabar Han fiican iyo Mustaqbal kala hayd dunida ka hor inta uusan ku dheelin Gabarnimadeedii Taliyaha Nabadsugida garoonka diyaaradaha Kismayo Sadiiq Dooro, ka dib markii uu ku Xoogay Gabadhan yar Gaari yar oo uu watay, waxana ku adkaatay Laki in ay u gudbiso dadka si wax looga qabto maadama ay ahayd gabar yar, sidoo kalana ay hanjabaad kala kulantay Askariga Xoogay, waxayse qaadatay Go’aan ay kaga baxday Magalada Kismayo iyadoo aaday Magalada Garoowe Ee Caasimada Puntiland halkaasna ay hada joogto,
Laki waxay hada wajahaysaa Xaalad Biniaadanimo Murug iyo Niyadjab baahsan waxay Ku sugan tahay Garoowe Waxayna raadinaysaa sida ay u heli lahayd Xaquuqdeedi Gabarnimo.
Leave a Reply