Qarax Ismiidaamin ah oo Lagu Dilay Taliyihii Ciidanka isku dhafka Gobolka Mudug

qarax

Taliyihii ciidamada isku dhafka Milatariga gobolka Mudug Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye) & C/qani Axmed Geyre oo Kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Ayaa Qaraxa Lagu Dilay.

Inta la xaqiijiyey 5 Qof ayaa Dhamaan ku geeriyooday Qaraxa, 6 kalana dhawac ayaa kasoo gaaray waxaana Isbitalka guud ee gobolka Mudug wali gaaraya gadiidka deg deg ah ee sida dadka dhawaca ah.
Sidoo Kale Ciidamada amaanka Ayaa la sheegay iney Qabteen Gaari kale oo looga shikisanyahay inuu Qarax Sido.

Qaraxa Oo ka dhacay Xaafadda Garsoor, Gaar ahaana Goob aan sidaas oga fogeyn Guriga Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya Marxum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Iyadoona la sheegay inuu weerarkaasi geystay Nin Qabay Waxyaabaha Qarxa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.