Shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada oo aysan Cadayn cida ka qayb galaysa

Magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay maanta waxaa lagu wadaa in ay gaaraan qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta madaxda dowlad gonoleedyada ayaa haatan laga dareemayaa magalada Baydhabo’iyada oo maanta ammaanka siweyn loo adkeeyey,isla markaana ciidamo lagu arkayo wadooyinka qaar ee magalada Baydhabo.

Waa shirkii labaad oo ay yeeshaan madaxda dowlad goboleedgada,waxaana ay uga hadli doonaan xaalada siyaasadeed ee dalka,amniga wadashaqeynta madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo qodobo kale.

Shirkaan ayaa markii lasoo gaba gabeeyo waxay madaxda ka qeyb gashay soo saari doonaan warmurtiyeed,waxaana sidoo kale shirkaan uu imaanayaa xilli qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada uu khilaaf ka dhaxeeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.