Daawo:Puntland oo sheegtay Shabaab iyo Somaliland wado Socda inay soo weerareen

puntland

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay weerarkii xalay lagu qaaday ciidamada Badda Puntland ee ku sugan degaanka Balli-khadar ee buuraha Calmadow.

Wasiirka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe koox ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada Somaliland oo is-garabsanayaa ay weerar ku soo qaadeen saldhigga Balli-khadar ee ciidamda Badda Puntland ay ku leeyihiin buuraha Calmadow,hase yeeshee jab xooggan loo geystay malayshiyaadkii halkaasi soo weeraray.

Axmed Cabdullaahi (Dowlad) Wasiirka Amniga Puntland ayaa sidoo kale sheegay in malayshiyaadka is-baystay ee weerarka soo qaaday uu hoggaaminayey,Maxammed cabdullaahi Bataar oo ka tirsan guutada 8 aad ee militariga Somaliland,islamarkaana deggan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.