Wararka Naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku Meel Gaarka ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxay sheegayaan Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee jubbaland ayaa waxay maanta xukun dil ah ku fulisay saddex askari oo ku eedaysanaa fal-dambiyeedyo dil ah kuwaas oo kala ah.
Cabdullaahi Asad Ismaacil oo horay u dilay xaaskiisi marxuumad Muxubo Maxamed Guure
C/rashiid Axmed Xasan oo horay u dilay Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xirsi
Aadan Cabdi Muumin oo horay u dilay Marxuum Cawil Colow Xasan
Magaalda Kismaayo ayaa waxaa jira dulmi badan oo lagu hayo shacabka waxaana inta badan ka masuula dhibka lagu hayo shacabka Kismaayo Askarta aminga iyo ilaalada Axmed Madoobe.
Leave a Reply