Waxgaradka gobolka Gedo ayaa oo soo dhaweeyey Cabaareyntii loo Jeedeyey Dowlada Kenya

deg

Odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Gedo sida degmooyinka Baladxaawo, Garbahaaray, Doolow, Luuq, Baardheere iyo Ceelwaaq oo lasoo xariiray Warbaahinta Gedotimes ayaa waxay soo dhaweeyeen Hadalkii ay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamanka soomaliya ay Ku cambaareeyen Xasuuqa, Dilka Kufsiga iyo Burburinta Hantida Shacabka Gobolka Gedo ay ku hayaan Ciidamada Dowlada Kenya.

Waxgaradka gobolka Gedo ayaa umahadceliyey Shacabka Soomaliyeed iyo Xildhibaanadi ka danqaday dhibka joogtada ah ee Lagu hayo shacabka gobolka Gedo taas oo mudo socotay, waxgaradka Gedo ayaa waxay Cambaareeyeen Madaxda Maamulka Jubbaland oo iyaku intay ka xumaan lahaayeen dhibka Shacabka Gobolka Gedo ku farxaya.

Waxgaradka gobolka Gedo ayaa Soo dhaweeyeen Kulankii dhexmaray Madaxwaynaha Soomaliya, Ra’isulwasaare kuxigeenka JFS, HE Mahdi, Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, Wasiirro uu ka mid yahay Wasiirka Shaqada iyo Aarrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax, Wasiir Ku xigeenka Macdanta & Batroolka Iyo Xildhibaanada kala ah Sen Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex), Xildhibaan Cabdicasiis Cabdullahi Yuusuf Dhegaqool, Xildhibaan Nadiifo Faarax Jaamac iyo Xildhibaan Faarx Xasan kaas oo go’aamo Mahiim kasoo baxeen.

Ugu Dambayntii Waxgaradka gobolka Gedo ayaa waxay Dowlada soomaliya ugu Baaqday in Gurmad dag daga lala soo gaaro shacabka Gobolka Gedo lagana Joojiyo duqaymaha Diyaaradaha Kenya oo dadka iyo Xoolaha Lagu xasuuqayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.