Dhageyso:Afhayeenka Qurbajoogta Jubbaland oo sheegay in Axmed madoobe Fashilmay

isaxaq

Afhayeenka qurbajoogta jubbaland Isaxaaq Cabdulaahi Cilmi oo u waramaayey Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Axmed madoobe ku fashilmay hogaanka Maamulka Jubbaland kaas oo iska horkeenay Shacabka Jubbaland.

Afhayewenka qurbajoogta Jubbaland waxuu sheegay in Axmed Madoobe ka masuul yahay maamul xumida, amni darida iyo burburka dhaqaale ee ku habsadey shacabka Jubbaland, waxaa kaloo Axmed madoobe ka gaabiyey inuu guto waajibaadkii loo igmaday.

Sidoo kale Axmed madoobe waxuu is hortaagay sidii Ciidamada Xooga dalka ay u gudan lahaayeen wajibaadkooda oo ah sidi ay Alshabab uga saari lahaayeen Jubbaland waxuuna Magaalada Kismaayo kasoo celiyey taliyiihii Ciidanka Xooga dalka u magacowday dowlada Federaalka soomaliya Qayta 43aad ee jubbaland Jeneraal buurmadow waxaana Garoonka Diyaradaha Kismaayo ku xaniban taliyihii cusbaa ee Nabadsugida jubbaland iyo kuxigeenkiisi kuwaas oo loo diiday inay Galaan Magaalada Kismaayo oo gutaan shaqadii loo idmaday ayuu yiri Afhayeenka qurbajoogta Jubbaland.

Dhanka Kale Afyeenka Qurbajoogta Jubbaland Isaxaaq waxuu ku eedeeyey axmed madoobe inuu masuul yahay dagaalka kasocda Duleedka Kismaayo oo beelo walaala ah ay iska horkeentay.

Hoos kadhagayso Wareysi meelo badan taabanaya oo afhayeenka qurbajoogta Jubbaland Isaxaaq Cabdulaahi ka hadlay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.