Daawo:Gudoomiye yariisow oo duqdii 95 jirta ahayd Gurigeedii usoo celiyey

yariso

Warbaahinta Gedotimes shalay waxaay baahisay Hooyo waayeel ah oo 95 jir waxayna qaylo dhaan udirsatay Madaxwaynaha Soomaliya, Ra’iisalwasaare khayre, Gudoomiyaha Gobolka Baandir iyo shacabka Soomaliyeed ayadoo ka qaylinaysa ka cabanayey takrifal ay u gaysteen shakhsiyaad doonaya in ay si sharci darro ah ula wareegaan gurigeeda.

haba Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku qaabilay xafiiskiisa qoys danyar ah oo gurigooda si xoog ah damcay in looga saaro.
Qoyskan ayaa ka cabanayey takrifal ay u gaysteen shakhsiyaad doonaya in ay si sharci darro ah ula wareegaan guriga qoyskan.

Guddoomiyaha Gobolka oo dhageystay cabashada qoyskan ayaa u xaqiijiyey in gurigooda aan cidna xoog uga saari karin una ballanqaaday in loo dayactirayo gurigooda oo uu maamulka Gobolka Banaadir amnigooda sugayo.
Duqa Muqdisho ayaa Xeer Ilaalinta Qaranka u gudbiyey shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay jir-dil u geysteen qoyska iyo hanjabaad, si loo hor geeyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, sharcigana lala tiigsado shaqsiyaadkan la soo eedeeyey.
Guddoomiye Yarisow waxaa uu Laanta Danbi Baarista Booliska Soomaaliyeed (C.I.D) ku wargeliyey in ay baaritaan ku sameeyaan waxyeellada nafeed iyo hantiyeed ee loo goystay qoyskan, sharcigana la hor keeno dhammaan ciddii ku lug yeelata tabashooyinka ay sheeganayaan.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu faray Maamulka Degmada Xamar Weyne in ay sugaan amniga qoyskan, muddada uu baaritaanku socdo, maadama ay soo gudbiyeen jirdil iyo handadaad horey loogu geystay.
Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyey in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo caddaladda bulshada, lagana hortagayo cid walba oo doonaysa in ay ku xad-gudubto hantida muwaadiniinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.