Xaaskii Madaxwayne Kuxigeenka 1aad Jubbaland oo weerar ku qaadeen Nabadsugida Jubbaland

sayid

Ciidamada Nabadsugida Jubbaland ayaa waxay weerar ku qaadeen Hotelka Caalamiga ee Mecca kaas oo ku yaala Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland, Ciidamada Nabasugida jubbaland ayaa waxay weerarka ay ku qaaden Hotel Mecca ku burburiyeen qalab kala duwan ee yaalay Hoteelka Ku gudihiisa waxayna Albaabada iskugu dhufteen hotel Mecca.

Hoteelka Mecca ayaa waxaa daganaa Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo dadwayne kale duwan kuwaas oo ay Ciidamada Nabadsugida Jubbaland dhaawacyo u gaysteen, Dadka dhaawaca loo gaystay ayaa waxaa kamida Xaaskii Madaxwayne ku xigeenka Kowaad ee Jubbaland Maxamuud sayid Marwo Xabiiba Cabdinuur, Maamulka Jubbaland wax wara oo kasoo baxay majiraan oo la xariira weerarkaan ay ku qaadeen Hotel Mecca ee Magalada Kismaayo iyo xaaska Madaxwayne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamud Sayid Aadan.

Amarka lagu xiray hotelka iyo maamada lahayd ayaa yimid ka dib markii uu muran soo kala dhex galay maamada iyo askari dharcad ah oo ku qornaa hotelka, Maamulka Jubbaland ee uu horjoogaha u yahay Axmed madoobe ayaa waxay Magaalada kismaayo ka gaystaan tacadiyo badan kuwaas oo isugu jira Dil, dhac, Masaafurin iyo burburin hanti dadwayne.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.