Daawo:Madaxda jubbaland iyo Kenya oo kacarooday video si qarsoon looga duubay Baarlamanaka Jubbaland

Mudaneyaasha Baarlamaanka Dowlad-goboledka Jubbaland ayaa shalay yeeshay fadhigii 59-aad ee Kalfadhigii 4-aad, kooramka ayaa ahaa 40 xildhibaan, kaas oo loo diiday in saxaafada Duubto waxaana shir guddoominaayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa kulankooda uga hadlay dhibaatooyin ay Ciidamadda Kenya ka gaystaan deegaamada Xuduudaha ah ee saaran, Dhibaatooyinkaas ayaa waxaa kamid ahaa bur bur Hantida shacabka, Kufis, dil, dhac, Barakicin iyo Ceelasha biyaha oo ladumiyo.

Kulankaas ay yeesheen Barlaamanka Jubbaland ayaa waxaa ladiiday in saxaafada duubto sababtoo ah Madaxda jubbaland ayaa diiday in hadaladaas lagu cambaaraynayo Ciidamada Kenya in laga siidaayo warbaahinta iyo baraha Bulshada.

Guduumiyaha arimaha Bulshada Barlamaanka Jubbaland Dr shire Cabdi Maxamed ayaa waxuu barlamaanka Jubbaland ka hor aqriyey Xasuuqii Ciidamada Kenya ka gaysteen Deegaanada Jubbaland iyo kuwa kale e Soomaliyeed, Xildhibaaan shire Cabdi ayaa waxuu si faah faahsan u sharaxay dilka. Kufsiga, Burburinta hantida Dadwayanaha, Barakicinta, iyo aasida Ceelasha biyaha ay u gaysanayaan Ciidamada Kenya.

Hoos kadaawo Muuqaalkii laga soo duubay barlamanka Jubbaland Youtube Riix halkaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.