Ciidamada Aminga Mgaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay ku guulaysteen inay gacanta kusoo Dhigaan qamro iyo dadkii watay, Ciidamada oo ka Kooban Nabadsugida, Militariga iyo booliiska ayaa xalay waxay hawlgal kasameeyeen qaybo kamida Xaafada Degmada Caabudwaaq waxayna ku guulaysteen inay soo qabtaan qamri laga Keenay dalka Itoobiya oo si dhuumalaysi ah loogu gadaayey Magalada Gudaheeda.
Qamradii ayaa waxaa lagu gubay Magalada Gudaheeda dadkii watayna waxaa la horkeenayaa Sharciga sida sheegeen madaxda Aminga Magaalada Caabudwaaq.
Leave a Reply