Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa soo gaaray Xubno katirsan Kacdoonka Isbadal doonka Jubbaland Waftigaan ayaa kasoo kicitimay Magaalada Garbaaharay ee Xarunta Gobolka Gedo waxaana si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Baardheere, waxaana soo soo dhawayntooda ka qayb qaatay Mamulka Gobolka Gedo iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Baardheere.
Waftigaan ayaa waxaay imaatinkooda laxariirta sidii loo xoojin lahaa kacdoonka looga soo horjeedo Madaxda sarre ee Jubbland kuwaas oo ku fashilmay hogaanka Jubbaland, waftigaan ayaa waxay tagi doonaan Degmooyinka Jubbaland inta xorta sida Ceelwaaq, Baladxaawo, Doolow, Luuq, Dhoobley, Afmadow iyo Buurdhuubo.
Leave a Reply