Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka soo saareen go’an ku saabsan Madasha wadatashiga heerka qaran.
Mudanaayaasha Baarlamaanka ayaa go’aankooda ku qeexay illaa 5 qodob oo uu ka mid yahay.
In ay ka digayaan in la isku dayo go’aan qaadasho siyaasadeed garab marsan hanaanka wadar ogol loo dhan yahay .
Sidoo kale Xildhibaanad ayaaa isku raacay in go’aanada ka soo baxo madasha wadatiga la soo marsiiyo si iyaguna ay u tarxaan bixiyaan.
Waa kan Mudane Mahad Cabdalle Cawad guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka oo golaha shacabka ka hor jeediyay go’aanada Baarlamaanka ay soo saareen.
Go’aanka ka soo baxaya madasha wadatashiga waa in uusan wax u dhimin Midnimada Qaranka iyo wada jirka Shacabka Soomaaliyed
In aysan keenin Xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni oo dalka u horseedi karo colaado cusub.
In la waafajiyo Dastuurka ayadoo la soo marayo hay’adaha dastuuriga qaranka ah oo ay khuseyso.
Guddoonka Golaha shacabka waxaa la farayaa in go’aankaan si deg deg ah uu ku gaarsiiyo hay’adaha Dasuuriga dalka ee Heer Federaal, dowlad goboleedyada , Maamullada KMG iyo Beesha Caalamka.
Go’aanadaan Baarlamaanka ay soo saareen ayaa ku soo beegmaay xilli guddoomiye ku xigeenka labaad Baarlamaanka shalay laga soo saaray madasha shirka wadatashiga qaran ee Magaaalada Muqdisho iydoo loo diiday Xildhibaanada in ay shirkaas ka qeyb galaan.
Halkaan Ka Dhageyso:
Leave a Reply