Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) ayaa loo heystaa in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed oo ay kawada tirsanaayeen Ciidamada Amniga dilkaasi oo ka dhacay dugsiga taba-barka Jen. Shirbow 30-ka bishii sideedaad ee sanadkan.
Hey’adda dambi baarista Boliiska CID ayaa codsatay in la siiyo waqti ku filan oo ay ku soo dhameystiraan eedda loo heysto Oday Daalay, waxa ayna Shan Cisha Kadib ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side.
Xeer Ilaalinta ayaa weydiistay garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) 6-da bishii sagaalaad si’ay u soo dhameystireen baarista eedda ka dhanka ah eedeysanaha ee xafiiska soo gaartay.
18-ka bishii tagtay ayay markale weydiisteen Garsoorayaasha in la muddeeyo waqtia dacwad qaadisata eedeysane Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) oo ay sheeeen in ay ku filantahay caddeymaha ay u hayeen kiiskiisa, waxa ayna Maxkamadda aqbashay laba maalin uun kadib.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa fadhiga Maxkamadda hor keenay Afar markaati oo dhammaantood isku raacay in Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble Oday Daalay uu si bareer ah u dilay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed kadib markii uu isku dayay in uu carqaladeeyo shaqo amni uu haayay Marxuumka isla markaasna uu isku dayay in uu baxsado balse ay ciidamada oo ka tir badnaa ay hareereeyeen sidaasna qoriga uu dilka ku geystay looga qaaday.
Abuukatayaasha u dooday eedeysane Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) ayaa iyagana ku dooday in loo fududeeyo ciqaabta lagana qaado magta Marxuumka.
Xigasho warbahinta qaranka
Leave a Reply