Daawo:Wasiirka Bayle oo sheegay in sanadka cusub 2019 Soomaaliya laga cafiyo deemaha lagu leeyahay

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya MD Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo uu xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayuu ku sheegay in inta badan Wajiga sadaxaad ee shuruudaha deen cafinta Soomaaliya ku xernaa oo ah 18 qodob ay ka gudubtay Dowladda Soomaaliya, waxaana shuruudahaasi buddhig u ah kordhinta dakhliga dalka iyo hagaajinta maamulka Maaliyadda.
Sanadka cusub ee 2019 ayuu Wasiirku ku tilmaamay sanadkii caalamka uu go’aan ka qaadan cafinta deemaha lagu leeyahay Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto yabooh kale oo lacageed oo lagu abaalmarinayo sida ay ugu soo gudubtay sharuudaha deen cafinta.
Wasiir Beyle waxaa uu Soo jeediyay in wadajir loogu istaago sidee loogu guuleysan dadaalka Deen cafinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.