Garyaqaan Cali somali oo muran galiyey baahida loo qabo Aqalka sare

Garyaqaan Cali Sheikh Adam Yusuf “Cali Somali” Diraasat uu sameeyey AKtober 2017 ayaa waxuu ku sheegay n Labada Aqal ee Baarlamaanka aysan kala cadayn shaqadooda Sidoo kalana aysan jirin baahi loo qaba Aqal sare in ay Somaliya yeelato.

Hadaba is waydii Su’aalahaan:

Hadii waxii Muran ka dhasho Dowlad-Gobaleedyada iyo Faderaalka awood loo siiyey Maxkamadda Dastuuriga ah, Maxay tahay Kaalinta Aqalka sare ee ku aadan Matalaada Siyaasadeed ee Dowlad-Gobaleedyada?

Dhaqaala ahaan ma awoodaa Soomaaliya in ay bixiso Qarashka badan ee ku baxayo ” Mushaar, Shaqaalo, Gunno, Doorasho” – Aqalka sare?

Maxay tahay shaqada ugaarka ah Aqalka sare marka laga soo tago kuwa uu la wadaago Aqalka Shacabka ” 71 Dastuurka”?.

Hadii Da’da, Aqoonta, muddo xileedka, shaqada ay iska mid ka yihiin maxuu ku soo kardhiyey Aqalka sare Dalka?.

Hadii Sharciga uu soo celiyo Aqalka Sare oo dhibayo Dowlad-Gobaleedyada ay Aqalka Shacabka ku ansixin karaan 2/3 toosna madaxwaynaha loogu geynayo maxay tahay Mataalada Sharci ee Dowlad-Gobaleedka uu ku difaacayo?.

ayadoo Jiraan caqabadaahaas tirade Badan ee Garyaqaan Cali Somali sheegay ayaa waxaa isi soo taraya isqab qabsi u dhaxeeya Aqalka Sare iyo Golaha shacabka Soomaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.