Saraakiil ka tirsan AMISOM oo abaalmarin la guddoonsiiyay

Amisom

Munaasabadan abaal marint alagu guddoonsiinayaya saraakiisha Booliska AMISOM gaar ahaan kuwoodi ka socday dalka Nigeria ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,tasi oo ay ka qeybgalayay mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Midowga Africa ee Soomaaliya iyo saraakiil kal eoo ka tirsan Booliska AMISOM.

Saraakiisha Booliska AMISOM ee Nigeria oo ka howlgalo Soomaaliya oo gaaraya ilaa 159 ayaa siweyn loogu ammaanay laguna bogaadiyay howlaha adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan kaalinta ay ka qaadanayaan howlaha bixinta tababarada la xiriirka qibradaha Ciidanka booliska iyo xiriirka kala dhexeya inta lagu guda jiro u adeegista bulshada.

Waxaa lagggudoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarino oo ay ku mutaysteen shaqo waanaag,waxaana goob joog ahaa Maj. Gen. Fidza Dludluoo ah madaxa qeybta taageerada howlgalka AMISOM, Rex Dundun taliyaha ciidanka booliska AMISOM,kuwaasi oo ku tilmaamay saraakiisha ka socotay Nigeria in ay muujiyeen dowr muuqda oo ku aadan in ay yihiin safiiri dhab ah oo matala Nigeria iyo Midowga afrika,kadibmarkii booliska Soomaaliyeed ay ka caawiyeen qibrado badan oo xagga gudashada waajibaadkooda la xiriira.

“AMISOM waxaa ay ku faraxsantahay shaqooyinkii wanaagsana oo ay qabteen guutadan booliska Nigeria,iyagoo muujiyay shaqo wanaag,kaalina ka qaateen nabadd aiyo amniga Soomaaliya,waxaa u muujinaysa in si dhab ah ay u guteen waajibaadkooda,iyagoo maray dhamaan shuruucdii iyo xeerarkii u degsanaa,wadashaqeyn fiicana lalahaa dhinacyada kale”. Ayuu yiri Maj. Gen Dludlu

Ciidamada Booliska AMISOM ayaa la aaminsanyahay in dowr muuqda ay ka qaadanayaan taageerista ciidanka booliska Soomaaliyeed,iyagoo ka caawiya waxyaabo badan oo sahlaya gudashada waajibaadkooda si hufan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.