Hogaamiyaha Jubbaland ee Waqtigiisa dhamaaday Axmed Madoobe oo maamlmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalooyinka Afmadow iyo Dhooblay kuwaas oo uu kulamo kala duwan laqaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada Waxgaradka, Odayaasha dhaqaanka , Aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta.
Kulamadaas kala duwan ee Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe laqaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxuu ku dhamaaday fashil iyo is afgarad waa waana tan kaliftay in Axmed madoobe dib ugu soo laato Kismaayo asagoo kusoo Hungoobay Safarkiisii Afmdow iyo Dhooblay.
Hadaba Axmed madoobe ayaa waxuu Codsi udirsaday Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo asagoo waydiistay inuu kulan ku dhexmaro Magaalada Garoowe oo ay kadhacayso Caleemo saarka Madaxwaynaha maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni taas oo lagu wado inay qabsoonto Maalinta Dabtida ah ee tariiqda tahay 26 January 2019 taas oo ay kasoo qayb galyaa wafuud kala duwan oo ugu horeeyo Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.
Wararka laga helaayo Madaxtooyada Soomaliya ayaa waxay sheegayaan Madaxwaynaha Soomaliya Maxamed Ccabdulaahi inuu aqbali dooni Codsiga kayimid Axmed Madoobe waxaana lagu wadaa kulankooda inuu dhici doono Munaasabada Calemo saarka Madaxwaynaha Puntland ka dhib.
Leave a Reply