Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Soomaaliya, mudane, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta daah-furay shirka waaxda xal u helidda barakacayaasha Gobolka Banaadir.
Kulanka oo looga hadlayay sidii xal buuxa looga gaari lahaa dhammaan dhibaatooyinka calaamadda ku ah horumarka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wakiillo ka socda Qaramada midoobay iyo hay’adaha sama-falka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo kulanka furay ayaa sheegay in 2.6 Milyan oo Soomaali ah loo aqoonsan yahay in ay barakacayaal yahay, halka Hal Milyad Dad ka badanna ay daafaha Caalamka ku yihiin Qaxooti, isagoo tilmaamay in Nus Malyuun Qofna ay ku nool yihiin Magaalada Muqdisho.
Leave a Reply