Shirkan wadatashiga ah ee ku aadan ka jawaabista gargaarka deg dega ah una dhexeeya madaxda wasaaradaha gargaarka heer Federaal iyo heer dowlada goboleed ayaa maanta ka furmay Muqdisho,kaasi oo socon doona mudo labo casho ah.
Shirkan inta uu socdo waxaa diiradda lagu saaraya arrimo laxiriira fulinta mashaariic laxiriirka ka jawaabista gargaarka deg dega ah,iyo maareynta musiibooyinka.
Cabdinasir Cabdi Caruush oo ah wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed oo ku hadlay magaca mamaul goboleedyada ayaa soo dhaweyey qabsoomida shirkan,wuxuuna xusay in ay kala shaqeyn doonaan wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Federalka Soomaaliya sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha bani’aadanimo ee kajira dalka iyo ka hortagga abaaraha laga cabsi qabo.
Wasiir kuxigeenka gargaarka XFS ayaa C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa si guud u faah faahiya ajandaha shirkan,Wasiir kuxigeenku wuxuu intaasi ku daray in mashruucan uu yahay mid horey heshiiskiisu ay u gashey wasaaradda gargaarka Soomaaliya,haatana loo baahanyahay oo kaliyah in la fuliyo.
Ugu dambeyntii Mudane Xamsa siciid xamsa wasiirka gargaarka dowladda SOomaaliya ayaa bogaadiayy miro dhalka shirkan inta uu socdo,isagoo kutilmaamay mashruucan mid ah miyad gaar ah u leh guud ahaan dalka,uuna sahlaya in laga jawaabo baahiyaha bani’aadanimo ee dalka iyadoo la kaashanaya hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca gar gaarka.
Leave a Reply