Waxaa si dardar leh u furmay ciyaaraha Xagaaga ee Ohio International Spring Cup oo sanad walba lagu qabto magaalada Columbus gobolka Ohio ee dalka Mareykanka
Furitaanka waxaa ka soo qeybgalay Masuuliyiin ka kala socday xarumaha dowladda, Ciyaartooy, iyo dadweyne aad u baddan
Ciyaaraha Xagaaga ayaa ah kuwo dhalinyarada iyo dadweyne kala gadisan oo ka kala yimid gobolo kala duwan ay ku kulmaan islamarkaana u noqota waqti is dhexgal iyo isku soo dhawaansho abuura iyada oo la arkayo dhalinyaro raxan raxan magaalada u socda
27 kooxood oo ka kala yimid goboladda dalkan Mareykanka iyo Canada ayaa ku hardami doona sanadkan 2019ka iyada oo koox walba ku dadaalaysa hanashada Koobkan oo socon doona ilaa iyo maalinimada Axada
Fu’ad Baqbaqani oo ka mid ah maamulka ciyaarahan ayaa uga mahadceliyay Ciyaartooyda, Dhalinyarada iyo Masuuliyiinta ka soo qeybgalay Ciyarahan
Mary Lightbody oo ah xildhibaan laga soo doorto xafada 19aad eemagaalada Columbus oo ka mid ahayd masuuliyiintii ka hadlay furitaanka xaflada ayaa xustay in ay ku faraxsantahay in ay aragto Soomaalida oo ka shaqeynaysa in caruurta la mashquuliyo isla markana la baro xirfado la socon doona noloshooda si looga weeciyo wadooyinka Qaldan
Flickinger oo ah garyaqaan marwalba ka qeyb qaato dhiira galinta Soomaalida Columbus ayaa dhankiisa Rajo wanaag ka muujiyay in sii socoshada ciyaarahan ay dhalin karto in la helo dhalinyaro heer caalami ah oo u ciyaara kooxaha caanka ah iyo guulo laga garo howlaha socda waxa uuna ku dhiirogaliyay dhalinyarada in ay si Nabad iyo Farxad ah ku dhamaystaan ciyaarahan
Masuuliyiin Baddan oo ka socday xarumaha dowlada ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay kumanaan dhalinyaraa oo meelo kala duwan ka imaaday in ay is dhaafsadaan ciyaar wanaag iyaga oo ku faraxsan waqti iyo horumar fiicana hiigsanaya
Gudiga soo abaabulay Ohio International Spring Cup ayaa balan qaaday in mudada ay ciyaartan socoto howsha ay u wadi doonaan si Haboon oo la iskugu soo xiisi doono
Ciyaaraha xagaaga waxay saamayn ku yeeshaan magaalada Columbus iyada oo maalmaha ay socdaan laga dareemo goobaha dhalinyaradu ku kulmaan, Muqaaxiyaha cunada, Hoteelada, iyo meheradaha lagu caweeyo waxaana fursadan dhankooda ka faaiideysta Fanaaniinta Soomaaliyeed oo habaynada qaar qabta Bandhig faneed dhalinyarada lagu mada daaliyo.
Deeqo Shire (SONNA)
Leave a Reply