Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay deegaannadii dhawaan laga xoreeyey argagixisada Alshabaab ayaa faray hay’adaha Dowladda Federaalka ah in ay shacabka deegaannadan si deg deg ah ay u gaarsiiyaan adeegyada aasaasiga ah, si loo caawiyo muwaadiniinta ku nool oo ay Argagaxisadu muddo badan dhibaato ku haysey.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii laba-laabayso hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah, si looga xoreeyo dhammaan deegaannada ay kaga dhuumaalaysanayaan dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen argagixisada Alshabaab ee cadawga ku ah horumarka, nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Leave a Reply