Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa waxay ka wada hadleen imtixaanka Dowliga ah ee Dugsiyada sare iyo sidii loo mideyn lahaa.
Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee dalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa guddiga warbixin ka siiyey qorshaha Wasaaradda ee sanadkan ay ku fulinayso imtixaanka mideysan ee loogu tala galay inay galaan ardayda ka qalin-jabinaysa dugsiyada sare, waxaana wasiirka su’aalo laga waydiiyey arrinta Puntland oo wali aan ogolaan imtixaanka midaysan.
Leave a Reply