Shalay waxaa Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud soo gaaray Xildhibaan Mahad salad oo kamida Xildhibaanada qabyo waxaana isla markiiba u sii gudbay Magaalada dhuusamreeb halkaas oo uu kusugan yahay Hogaamiyaha ururkii ahlu sunna ee Burburay Shiiq shaakir.
Xildhibaan Mahad Salad iyo Shiiq shaakir ayaa waxay ka wada hadleen sidii dagaal loogu qaadi lahaa Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud waxaana kulan kaas kusoo dhamaaday is afgarad iyadoo mahad salad balaqaaday qarashaadka ku baxaya dagaalka Balanbal inuu bixinayo.
Dhanka kale Ugaas iyo waxgaradka Beesha cayr ayaa ka horyimid qorshihii mahad salad iyo shaakir iyagoo sheegay inaysan aqbalayn in beelaha walaalaha ah ee Galgaduud dagaal laga dhex bilaabo .
Shiiq shaakir ayaa waxuu horay dagaal lagu fashilmay oo dhiig badan ku daatay ku qaaday Magaalada Xeraale waxaana waxgaradka xeraale marar badan ku eedeyeyn shiiq shaakir inuu ka masuul ahaa dagaalo dhow jeer lagu soo qaaday xeraale
Wax caqliyeysan noo sheega Wax walba halasoo shir teginee