Shirka Wada-tashiga Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladdaha Xubnaha ka ah DFS ayaa ka Furmay qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Caasimadda Garoowe.
Shirka waxaa Furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qayb ka ahaa Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cusmaan En Yarisow.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxuu isku dayey inuu shirka ka reebo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Engineer Yariisow asagoo Sabab uga dhigay in shirka u dhaxeeyo Dowlada iyo Dowlad Goboleedyada taas oo ay dowlada Soomaliya ka hortimid.
Madaxwaynaha Puntland Deni intaan la dooran ayaa waxaa loo sheri jiray dowlada, Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Leave a Reply