Ciidamada amniga oo xalay oo taariikhdu ahayd 5-April 2019-ka howlgal ay ka sameeyeen magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha hoose waxay ku guuleysteen inay helaan keyd hub ah oo argagixisada ay leedahay halkaas oo ay ka soo saareen 12-xabo Miinooyin oo ah kuwa Anti-Taangiga iyo labaatan Kiilo oo Sunta Qaraxyada laga sameeyo ah.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jiraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa tiri” Noocyada Miinooyinka ayaa ka kooban labo nooc oo kala ah nooca dhulka lagu aaso iyo midka wadada dhinaceeda la dhigo,argagixisadu waxay doonayeen marka ay bisha Barakeysan ee Ramadaan bilaabato iney ku howlgalaan kuna waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka degan Gobolka Banaadir.”
Sidoo kale Ciidamada amniga oo kaashanaya shacabka ayaa gacanta ku soo dhigay labo dhagar qabe oo 1-dii bishan April ku dilay degmada Waabari Marxuum Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa askarta ilaalada deegaanka ee loo yaqaano Minashiibiyada.
Leave a Reply