Masuuliyiinta Visaha loo diiday fadeexad ma ahan waa duulaan kadhana Somaliya

In mas’uuliyiinta dalka viisaha loo diido fadeexad laguma tilmaami karo, maxaa yeelay Keenya waxay go’aansatay in ay cadaawiso Dawladda Soomaaliya, dhulkuna ku jiiddo madaxda dalka.

Waxaan ka xumahay in qaar ka mid ah xubnaha qolkan ay ku riyaaqayaan bahdilaadda loo gaystay dalkooda.

Dawladda iyo dadka Soomaaliyeed ha u aqoonsadaan Keenya dal cadaw ah, sida ay nagu tilmaameen, waana in laga qaado tallaabada ugu habboon, taas oo kow ka ah in ciidankooda laga saaro dalka.

Dawladda Keenya waxay had iyo goor si cad u diidday deris wanaagga, marka waa in Dawladda Soomaaliya iska joojiso ixtiraamka iyo jil-jileeca badan oo ay mar walbo u muujiso Keenya. Waa waddo lagu daalay oo shaqeenaynin.

Midda kale, waxay sheegtay in aysan oggolaan doonin go’aanka Maxkamadda Hague, haddii natiijada ka soo baxdo ay noqoto mid lid ku ah danteeda. Haddii ay arrintu sidaas noqoto, gartuna Soomaaliya yeelato, waa in ay Dawladdu diyaarisaa qorshooyin fal-celin ah xooggan oo dhan walbo leh, bulshaduna gelisaa abaabul.

Qormadan gaaban waxaan ku xirayaa erayada Bob Marley:

“You never know how strong you are, until being strong is your only choice.”

@Xasangacaliye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.