Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa Jab-xooggan kala kulmay weerar ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubadda Hoose.
Guddoomiyaha deegaanka Qooqaani Muuse Macalin ayaa sheegay inay ka war hayeen weerarka ay ku soo qaadeen ururka nafla caariga ah ee Al-Shabaab deegaanka Qooqaani.
Sidoo kale Guddoomiyaha deegaanka Muuse Macalin ayaa sheegay in dagaalka ay qasaare xooggan ku gaarsiiyeen maleeshiyaadka gabalkoodu dhacay ee Al-Shabaab, ayna arkeen meydad badan oo ay goobta lagu dagaalamay uga carareen.
Deegaanka Qooqaani ayaa u dhaxeeya Dhoobley iyo Afmadow, waxaa uuna kamid yahay meelaha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Juballand ay ka xureeyeen argagixisad caadeysatay daadinta dhiigga Ummadda Soomaaliyeed.
Leave a Reply