Dowladda Puntland oo bilowday Ole,ole lagu furayo isku socodka Laamiga dheer ee isku xira magaaladda Boosaso iyo qaar kamid ah gobolada Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)oo ay wehliyaan Gudiga gurmadka fatahaadaha, maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo Xubno kale ayaa maanta daah furay ole’ole isku tashi ah oo dib loogu furayo isku socodka Laamiga dheer ee isku xira magaalada ganacsiga ee Boosaso iyo magaalooyin kale ee Puntland oo ay kamid tahay Caasimaddu.
Howshan oo si isku tashi ah lagu hirgalinayo waxaa lagu dhisayaa wado mac-mal ah oo si ku meel gaar ah loo adeegsan doono inta biyaha ay jiifaan dhulka, sida ay sheegeen Injineerada iyo Wasiirka howlaha guud oo xussay in ilaa 24-saacaadood ay qaadan doonto.
Dhawaan ayey ahayd markii Roobab lixaad-leh oo ka da’ay gobolada Nugaal iyo Kar-kaar ay bur-buriyeen buundooyin kuyaala laamiga u dhexeeya Magaaloyinka Qardho iyo Garoowe.
Leave a Reply