Dowlada Kenya ayaa ku eedeysay afar nin uu ka mid yahay aqoon yahan ka caan ka ah ee soomaaliyeed ee shalay lagu xiray Nairobi in ay ku tuhuntay Falal Argagixiso.
Maxamuud Maxamed Bashiir Cali Cabdi Maxamed iyo Xuseen Xasan Maxamuud ayaa arbacadii lagu qabtay agagaarka xaafada Muguga ee ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha Kenya.
Ciidanka la dagaalanka Argagixisada Kenya ee loo yaqaan ATPU-da ayaa dhanka kale gurigiisa oo ku yaal xaafada South C kala soo baxay Mr Ibraahim Qaasim Faarax oo loo yaqaan Bursaliid
Afartaan nin ayaa ka soo muuqday maxkamada Milimani ee magaalada Nairobi,iyadoo garsoore Peter Okoo uu amray in xabsiga lagu sii hayo mudo afar Cisho ah.
Ciidanka Argagixiso la dirirka Kenya, ayaa loogu baaqay in ay soo dhameystiraan baaritaanada lagu hayo afartaan Nin.
Bursaliid iyo sadexda nin oo kale oo heesta dhalashada Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay ku howlanaayeen waxyaabo aan la shaacin oo ka dhan ah sharciga Kenya.
Leave a Reply