Madaxwaynaha Hirshabeele oo xilka ka qaaday Gudoomiyihii gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, waxaana xilkii uu ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u qorneyd sida tan:-

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle :-

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

Markuu arkay: Muhiimadda ay u leedahay bulshada reer Hiiraan iyo Guud ahaan dowlad Goboleedka Hirshabeelle, dib u habeynta Hogaanka Maamulka Gobolka Hiiraan, si loo taaba geliyo waxqabad dhab ah, horumar iyo daadejinta Maamul wanaag ka hirgalo Gobolka.

Markuu tixgeliyay: Baahida loo qabo in la sameeyo isbadal, loona magacaabo Gobolka Hiiraan Guddoomiye (Governor) waayo aragnimo iyo aqoon leh, isla markaana la filayo in gobolkaas uu is badal horumar leh ka hirgeliyo.

WUXUU XEERIYAY

  1. Waxaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), iyadoo mudane Cali Maxamed Caraale loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
  2. Xeerkan waxa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.