Xog:Madaxdii Jubbaland oo Kismaayo baneeyey kadib culays soo foodsaaray

Madaxdii Maamulka Jubbaland ee ku sugnayd Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka ah ee maamulka Juubbaland ayaa waxaa ku yimid qal qal iyo cabsi kadib markii ay Maqleen Madaxwaynihii Galmudug Axmed Ducaale geele Xaaf oo aqbalay in doorashadii Galmudug la qabto Xiligigeedii oo ahaa 4 July 2019.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Madaxwaynaha Jubbaland Axmed madoobe iyo Madaxwayne kuxigeenkii kowaad Maxamuud Sayid aadan ay ubaxsadeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirkii wasarada Amniga Jubbaland Cabdirishiid Janan ayaa isaguna u fakaday Magaalada Muqdisho waxuuna ku biiray mucaaradka Madaxwaynaha Jubbaland Axmed madoobe.

Wararka naga soo gaaray Kismaayo ayaa waxaay sheegayaan Madaxwayne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Suldaan luga dheere iyo Taliyaha Nabadsugida Jubbaland Khaalid inay iyakuna qorshaynayaan inay iskaga cararaan Magaalada Kismaayo.

Shacabka Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe waxay wadeen Caadis adag oo ay saareen Hogaamiyaha Jubbaland Axmed madoobe iyo wasiiradiisa iyakoo dacwooyin kala duwan oo looga soo horjeedo iyaga loo gudbiyey Dowlada Soomaliya iyo dalalka Deeqbixiyaasha waana tan kaliftay in lagu kala carrao Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.