Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxuu soo dhaweeyey go’aankii Dowlada Soomaliyeed ka qaadatay Dalka Guinea kaas oo ku xadgudbay Madaxbanaanida Dowlada federaalka ah ee Soomaliya.
Madaxwaynaha Puntland Siciid cabdullaahi Deni ayaa waxuu sheegay dalka Guinea inay meel uga dhaceen Qaranimada iyo Madaxbanaanida Ummada Soomaliyeed, Punlandna waxay ummada Soomaliyeed iyo Beesha Caalamka usheegaysaa madaxbanaanida Ummada Soomaliyeed inaan gorgortan laga geli Karin.
Dhawaan bay ahayd markii Wasiirka Arrimamha Dibada Soomaliya shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Soomaliya Xirirka u jartay Dalka Guinea kaas oo aqoonsaday Maamulka Soomaliland.
Leave a Reply