Barlamaanka Soomaliya oo ansixiyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed

isgaarsin

Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey xeerka saxaafadda Soomaaliyeed.

139-mudane ayaa Haa ugu codeysay cid diidday ma jirto,hal Xildhibaan ayaana ka aamusay,sidaas ayuuna ku ansaxay

Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa uga mahad celiyay Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo isgaarsiinta ee Golaha shacabka meel marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda.

Mudane Aadan Isaaq, Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Xeerkaan uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.