Garyaqaan Cali Sheekh Aadan yuusuf ( Cali Soomaali) oo ka mid ah aas-aasayaasha Maktabadda guud ee Garbaharey, xubinna ka ah Midowga Qoraayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil, ayaa maanta hawl-wadeennada Maktabadda Guud ee Balanballe guddoonsiiyey 50 Buug.
Garyaqaan Cali waxaa uu noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee Buugaag ugu deeqa maktabadda Balanballe, marka laga reebo Ballanqaadyada aan wali gacanta u soo galin Maktabadda.
Hawl-wadeennada maktabaddu waxay Garyaqaan Cali uga mahadcelinayaan taageeradiisa iyo garab istaagga Maktabadda Balanballe, sidoo kale Guddiga Maktabadda Balanballe waxaa uu dhammaan Bulshada Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay taageero ka gaystaan hawlgalinta Maktabadda Guud ee Balanballe.
Leave a Reply