Daawo:Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Tababar u Furay Ciidamada Xoogga Ee Dhawaan Laga Qaremeeyay Deegaannada Galmudug

-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta tababar u furay ciidamadii dhawaan laga qarameeyay deegaannada Galmudug ee loo diiwaan geliyay in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka, loona diyaarinayo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay munaasabadda furitaanka tababarka ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay tababarka uga faa’iideystaan hannaanka ugu habboon si ay awood buuxda ugu yeeshaan in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ka xoreeyaan argagaxisada dhibaatada ku heysa ee ka hor taagan horumarka

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa reer Galmudug iyo dhammaan mas’uuliyiintooda uga mahadceliyay dowrka ay ka qaateen fududaynta qarameynta ciidanka, waxa uuna ciidanka iyo saraakiisha faray kadib tababarkoda in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed si wadajir ah ugu shaqeeyaan ayna ka qayb qaataan soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda furitaanka tababarrada ciidamada dowladdu ay dhawaan qarameysay waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tirsan golaha wasiirrada, madaxa fulinta Galmudug, wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.