Dhageyso:Deni iyo Puntland waxaa kala Haysta

deni

Waa mudo dhan afar bilood qiyaastii inta Saciid Cabdullaahi Deni uu hayo hoggaanka Puntilaand,sida caadada u ah hoggaamiye tartamaaya wuxuu soo bandhigay in puntilaand u baahan tahay isbedel,waxaa taagnaa arimo ku dhaliyey niyadjab iyo walaac badan bulshada puntilaand,haddaba maxay ahaayeen dhibatooyinka isbedelka u baahnaa ee jirey:-

1-Bulshada  Puntilaand oo niyadjab iyo walaac ka haysteen sidii uu Gaas u maareynaayey arimaha Puntilaand.

2-Ciidamada Puntilaand ee naftooda u hura difaaca dalka Soomaaliyeed midnimadiisa oo si xun loola dhaqmaayey oo saraakiisha sar sare shaqo ka fariisin iyo ruqso laysugu daray, ayyada oo Soomaalinimada iyo dawlada Soomaaliyeed in ay col la noqdaan lagu cadaadinayey ayyaguna ku taagnaa dhaartii ay u dhaarteen dadka,dalka iyo Diinta.

3-Xiriirka Dawlada dhexe iyo Punilaand oo god ku jirey.

4-Puntilaand oo aan laga xukumin Soomaliya ee taladeeda  laga hagaayey dalal shisheeye oo cadaw ku ah danaha iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

5-Wixii horumar laga samayn lahaa puntilaand oo uu fadhiid ka dhigay wada shaqayn la,aanta dawlada dhexe.

6-Dekedii kaliya ee puntilaand gobta ku ahayd ee ay ka dhaxashay dawladii kacaanka ahayd ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre AUN oo gacanta loo geliyey Imaaradka iyo shirkooda DPW.

7-Intaas waxaa dheeraa Maaliyiin doolar oo beesha caalamku bixisay oo dawlada dhexe loo soo mariyey puntilaand iyo maamulada kale oo meel ay mareen aan lahayn,markii xisaabcelin la weydiyeeyna jawaabtu noqotay dawlada dhexe xiriikii waa u jarnay .

Haddaba qormadaan gaban waxaan u qoray in aan dadka Soomaliyeed gaar ahaan shacbiga Puntilaand aan weydiyo su,aalahaan;-

Dhibaatadii Cabdiweli  Gaas faraha kula jirey iyo hoogii iyo haantooleydi uu uga tegey Hoggaamiye Deni wax ma ka bedelay?

Aniga xagayga waa maya oo waaba uga sii daray.-Danaha ummadda Soomaaliyeed iyo tan gaarka ah ee puntilaand shisheeye kula shurgoobidii waa sii laba  jibaaray

-Cadaadiskii Bulshada iyo ciidamada waba ka sii daray oo shalay haday arintu joogtay ruqso iyo shaqo ka fariisin,Deni xarig iyo xabsi buu ku soo kordhiyey.

-Xiriirkii dawlada dhexe waaba sii xumaaday oo xudduud aan la soo geli Karin buu sameyey oo laga ilaaliyo in ayyan soo tilaabi Karin madaxda dawlada dhexe.

Isku soo wada duud ,(WAR HELAA TALO HELA)(Mar kalana  aan dhaho(TALADA ADAA KU NOOL EE AYYADU KUGUMA NOOLA)Qabyaaladu meelna cid ma gaarsiiso,dhaxalkeedu waa dhibaato joogtaa iyo dibudhac.DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANA ) .Soomaaliyeey ,maaha waxaan la hadlayaa reer puntilaand oo kaliya ee waa ku halqabsaday,maadaama ayyada oo aan u haysanay in ay tahay hooyadii federaalka ,ay u muuqato hooyadii dhasheeda cuntay sida bisadaha,ogaada in gafanayaal aan naxayn oo aan doonahayn dawlad la xisaabtanta ay dhammaan shacbiga Soomaaliyeed dhiigooda jaqayaan,shacbigana lagu marin habaabinayo qabyaaladii shalay na dumisay annaga oo qaarada Afriks ugu magac iyo muqaal dheer.

Haddaba balaayada na haysata oo jiritaankayaga qatarta ku ah waa federaal , ma anaan samaysan annagu ee cadaw baa noo sameeyestay,bal ila fiiriya miis weyn rag soo buuxyey oo wada madaxweyne sheeganaaya ,oo ku doodaaya warqad anaan wada saxiixin nin saxiixi karaa ma jiro,xaggee adduunyada arintaas ka dhacdaa ama taalaa?Arinta faderaalka inta la helaayo ciddii xal u heli lahayd Shacbiga puntilaand yaan Deni lagu fiirsan waxa uu  majaraha u hayaa afar bilood ee yaan afar kale lagu sii eegan,Waxaana masuuliyadaas qaadanaaya odayaasha dhaqanka iyo xildhibaanadii ay soo xuleen adduun iyo aakhiraba .

Wa bilaahi towfiiq.

Cabdullaahi.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.