Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Miino nooca dhulka lagu aaso oo ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland.
Sida wararka nagu soo gaarauaan qaraxaan ayaa lala eegtay Gaari uu la socday Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowlad Goboleedka Puntland Shire Xaaji Faarax xili uu marayay laamiga weyn ee bartamaha Boosaaso.
Askari ka tirsan ilaalada Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland ayaa ku dhaawacmay qaraxa,kaasi oo saarnaa gaariga,mana jiro wax kale oo Khasaaraha uu geystay qaraxaas.
Magaalada Boosaaso waxaa wali ka dhacay qaraxyo la soo abaabulay kuwaas oo qasaaro ugaysta Madaxda iyo bulshada Puntland waxaana wali shaqayn balan qaadkii Madaxwaynaha Puntland ee ahaa hadii la doorto inaan amaanka Magaalada Boosaaso wax ka qabanayo taas oo waxba ka.hirgalin.
Leave a Reply