Waxaa Maanta Dib loo bilaabay Dhismihii wadada Dhexmarta Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland taas oo hakad ku yimid kadib markii Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni siyaasadeeyey.
Dhaqaalaha kubaxaya Wadada dhexmarta Magaalada Boosaaso ayaa waxaa Bixiyey Bulshada Magaalada Bosaaso, waxaa kaloo dhaqaale ka heleen Dowlada Soomaaliya taas ka jawaabtay codsi ay horay ugu direen Maamulka iyo bulshada Boosaaso.
Madaxwayne Deni ayaa dhawaan waxuu Xabsiga u taxaabay Gudigii dhisaayey wadada Boosaaso kadib markii ay diideen inay dib u celiyaan lacag ka timid dowlada Soomaliya oo loogu talagalay dhismaha wadad Boosaaso.
Leave a Reply