Wafdi kasocda Urur Goboleedka IGAD oo Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland u jooga sidii ay ugu sheegi lahaayeen Madaxda jubbaland inay dhamaatay xiligii fowdada iyo boobka ayaa maanta la kulmay qaar kamida Xildhibaanada labada Aqal ee federaalka Soomaliya ah oo deegaan doorashadoodu ay tahay Jubbaland kuwaas oo Kismaayo u jooga tagerada Axmed madoobe.
Wafdigan oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr.Maxamed Guyow ayaa Xildhibaanadan u sheegay mowqifka IGAD ee ku aadan doorashada jubbaland taas oo ah in odayaasha dhaqanka kaalintooda maamulka iyo madaxda Jubbaland aysan faragalin loona baahan yahay in jubbaland ka dhacdo doorasho xor ah
Xildhibaanadaan oo aan jeclaysan hadalka kasoo Yeeray IGAD ayaa sheegey in ay ka walaacsan yihiin sida indho la’aanta ah ee Dowlada Federaalku iskugu dayayso in ay fara galiso hanaanka doorashooyinka Jubbaland taas oo wixii ka dhasha ay masuuliyadeeda qaadayso Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Wafdiga IGAD ayaa horay ula kulmay Baarlamaanka Jubbaland ee waqtigiisa dhamaaday iyo qaar kamida odayaashaa Jubbaland ee taageersan Axmwd madoobe waxaana lagu wadaa inay lakulmaan ugaasyada iyo siyaasiyiinta isbadal doonka ah ee jubbaland.
Leave a Reply