Ciidamada geesiyaasha ah ee
Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan Danab ayaa kooxda argaggixisada ah
kala wareegay degmada Awdheegle ee gobalka Shabeelaha Hoose, oo kamid ah deegaannada ay kooxda dhiig-miiradka ah ay shacabka ku gumaadayeen.
Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka ahna ku-simaha taliyaha,
sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo u mahad celiyay ciidanka ayaa
caddeeyay in ciidanku ay si nabad ah kula weegeen degmada Awdheegle iyo deegaanna kale oo ku xeeran, ayna sii wadi doonaan howl-gallada lagu
baacsanayo argagaxisada.
Ciidanka ayaa wada Miino saaris iyo howl gallo ay ku xaqiijinayaan
amniga.
Bulshada degmada Aw-dheegle ayaa soo dhaweeyay ciidanka xoogga ee
cadawga ka dul qaaday, waxa ayna ballan qaadeen in ay la shaqeynayaan
maadaama xilli dheer ay sugayeen in maalin uun laga xoreeyo cadawga
dhibaatada badan ku hayay.
La wareegidda Awdheegle ayaa qayb ka ah howl-gallada ciidanka xoogga
dalku ay argagaxisada uga sifeynayaan guud ahaan dalka, si ummadda
Soomaaliyeed ay u hesho nabad waarta looga gaaro barwaaqo.
Ciidanka xoogga dalka ayaa horay gacanta ugu dhigay deegaano badan oo ka tirsan gobalka shabeellada Hoose oo uu kamid yahay deegaanka Bariirre oo hoos taga degmada Aw-dheegle.
Leave a Reply