Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qorayaasha Soomaaliyeed Kula Dardaarmay Qalinkooda Inay Ku Bedellaan Sawirka Qaldan Ee Dalka Horay Looga Gudbiyay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo soo xiray bandhigga buugaagta Muqdisho, ayaa dhallinyarada qorayaasha ah ee Soomaaliyeed ku dhiirri geliyay in ay qalinkooda ku bedelaan sawirka qaldan ee dalkeenna horay looga bixiyay, si loo helo sawirka saxda ah ee dalka, loona dhiso mustaqbal ifaya oo dunida soo jiita.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay ay muhiim tahay in dhallinyaradu ay afka Soomaaliga wax ku qoraan, maadaama aqriska iyo qoraalku ay horseedaan ilbaxnimo iyo in laga fogaado xasarado iyo colaado, ayaa cadeeyay in sida kaliya ee dhibka looga bixi karo ay tahay in qorayaashu ay si daacadnimo iyo damqasho leh ay dalkooda wax uga qoraan.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee ee dalka xilligaan heysata ay tahay bedelaadda fikirka adduunyadu ay dalka Soomaaliya ka qabto, hase yeeshee uu aaminsanyahay in ay muuqato yadadiilo wayn maadaama ay dhallinyaradii ay xoogga saarayaan aqriska iyo qoraalka si ay dunida ugu sheegaan waxa ay tahay Soomaaliya, waxa ay ahaan jirtay iyo waxa ay noqon karto .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.