Akhriso:Magacyada Dhalinyaro ka horyimid Doorashada Axmed Madoobe oo Baladxaawo lagu Xiray

Wararka Naga Soo gaaraya Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan Dhalinyaro ka hor yimid Doorashada Axmed Madoobe in Laxiray.

Dhalinyaradaan oo tiradooda lagu sheegay Shan ayaa waxaa xiray Maamulka Degmada Baladxaawo Gaar ahaan Taliyaha Nabadsugida Cali xasan deer.

Dhalinyaradaan Lagu Xiray Baladxaawo ayaa waxaay kala Yihiin Fitaah yarrow Hirad, Qoodo Adan Farax, Afweyne farax, Diiriye Daahir iyo Dhuuq Dhuuq.

Waxaana shantaan dhalinyarada ah maxkamad lagu soo taagi doonaa Degmada Baladxaawo sida ay noo sheegeen qaar kamida maamulka Baladxaawo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.