Sawiro:Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kharye ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay kamid yihiin arrimaha gudaha iyo amniga gudaha, xildhibaanno labada gole ka tirsan, madaxa fulinta Galmudug, saraakiil ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusamareeb uu qayb ka yahay qorshaha dhamaystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.