Akhriso:Amnesty International oo ku baaqday in sharciga Lamarsiiyo Cabdirishiid Janan

Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa war ka soo saartay xariga Magaalada Muqdisho loogu geystay Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Nuur Janan.

Hey’adda Amnesty International ayaa Xarigii Wasiir Janan ku tilmaamtay inuu yahay taallo muhiim ah ,kaasi oo geystay xadgudubyo dhanka baniaadanimada oo ka dhacay Degmada Dowlow iyo deegaano kale oo ka tirsan ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale Hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad rayid ah la soo taago.

Hoos ka Aqriso warbixintii Amnesty International

https://www.amnesty.org/en/latest/news/2019/09/somalia-arrest-of-jubaland-security-minister-must-yield-justice-for-victims/?fbclid=IwAR2y1oYNJs9HeLzRgYK57jVrKfcSSdIyRjQaPOzCkcMYAcanAtIlNYdEuqk

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.