Shirkii Dib heshiisiinta Galmudug oo dib u dhacay mar kale

Shirwaynaha Dib uheshiinta beelaha Galmudug oo lagu waday in uu maanta ka furmo Magaalada Dhuusmareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa dib udhac kuyimid .

Xumno ka tirsan gudiga qaban qaabada shirka dib uheshiinta beelaha Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in howlo farsamo uu shirku dib ugu dhacay waxa ayna intaas ku dareen in ay ku rajo weyn yihiin in shirku si rasmi ah Dhuusamareeb ugu furmo Maalinta bari ah.

Sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb shalay si diiran loogusoo dhaweeyey Ergada Magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud ugu qayb galaysa shirka dib u heshiinta Galmudug oo horay u diiday in ay ka qayb galaan Shirka Magaalada Dhuusamareeb ka furmaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.